
Caawinta dadka guryaha leh ee Wisconsin (WHH) waa barnaamij cusub oo gobolka oo dhan ah kaas oo ka caawin kara biilasha wakhtigoodu dhacay sida bixinta amaahda guryaha, cashuuraha guryaha, yutiilitida, iyo in ka badan. Barnaamijku waxa uu u furan yahay shakhsiyaadka iyo qoysaska ku nool Wisconsin ee haysta biilasha la xidhiidha guryeynta ee wakhtigoodii dhamaaday, labadaba leh iyo kuwa aan lahayn mortgage, kuwaas oo buuxiya dakhliga iyo shuruudaha kale ee u-qalmitaanka, oo la kulmay dhibaato dhaqaale oo u qalma tan iyo Janaayo 21, 2020.
Codsiyadu waxay xidhan yihiin Maarso, 8, 2024.
Barnaamijku wuu xidhan yahay hadda.